Connect with us

News

Tirakoobka qasaaraha nafeed ee Laascaano oo lasoo saaray

Published

on

Dhaqaatiirta ku sugan isbitaalada magaalada Laascaano ayaa ka waramay tirakoobka qasaaraha nafeed ee shacabka ee ka dhashay dagaalada weli kasii socda magaalada Laascaano.

Dhaqtar Cabdimajiid Sugule oo ka tirsan isbitaalka guud ee magaalada ayaa sheegay in dagaaladii socday labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ku dhinteen 145 qof, kuna dhaawacmeen dad gaaraya 1080 qof.

Waxa sidoo kale tirakoobyada la helayo ay sheegayaan in ay magaalada ka qaxeen wax ka badan 100 kun oo qof, kuwaas oo badankood u talaabay dhanka dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo hay’adaha gargaarka ay kula tacaalayaan baahiyahooda.

Dhaqtarkan ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay duqeyn ku burburiyeen sheeybaarkii isbitaalka, bangigii dhiigga iyo qeybtii bukaan-jiifka.

War kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay gaarayaan 80 qof, dadka shacabka ee dhaawacmayna ee aanan dagaalada qeyb ka ahayn ay gaarayaan 450 qof, kuwaas oo ay xitaa ka mid yihiin shaqaale caafimaad.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: