Nin hubaysan oo aanan heebtiisa weli la aqoonin ayaa 10 qof toogasho ku dilay goob uu ka dhacayay dabaaldeg sanadeed dhaqan oo ay sameeyaan dadka kasoo jeeda qaaradda Aasiya.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Los Angeles, halkaas oo ay dadka xusayeen sanadka Nayruuska oo ah caado dhaqameed kadib markii nin hubeysan uu galay goob weyn oo qoob-ka-cayaarka loogu talogalay, kadibna toogtay 5 nin iyo 5 haween ah.
Waxaa la sheegay in 20 daqiiqo kadib uu nin hubeysan sidoo kale galay goob kale oo isla xafladdani ka dhacaysay, balse muusan ku guuleysan in uu qof dilo.
Booliiska ayaa aaminsan in labadani dhacdo ay xiriir leeyihiin, iyaga oo ku jira hawlgal balaaran oo ay ku baacsanayaan ninka falka gaystay.
Sawirro shucaac ku jiro oo kaamirooyinka aan libiqsan qabteen iyo tilmaamaha dad goobjoogayaal ah ayaa muujinaya in ninka falka geystay uu ahaa nin asal ahaan kasoo jeedda qaaradda Aasiya.
Booliiska waxa ay sheegeen in ninkani ay magaciisa garanayaan, balse waa ay diideen in ay shaaciyaan, sababtoo ah waxa ay sheegeen in taasi ay wax u dhimeyso hawlgalka ninkani lagu soo qabanayo.
Dhacdadan ayaa ah tii shanaad oo Maraykanka ka dhacda sanadkan gudihiisa, balse waa tii dadkii ugu badnaa lagu dilay.
Meesha ay wax ka dhaceen ayaa lagu magacaabaa Monterey Park, waxayna ku taalaa daafta magaalada weyn ee Los Angeles, waxaana ku nool illaa 60 kun oo qof oo u badan dad asal ahaan ka yimid dalka Shiinaha iyo dadkii ay Maraykanka ku dhaleen.
Dabaaldegyada sanadka ayaa soo jiitay kumanaan kun oo qof, waana munaasabadda ugu weyn gobolka California.
Diiwaangalin ay samaysay Wakaaladda Wararka ee AP oo ku saabsan toogashooyinka ayaa xuseysa in sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-da uu ahaa kii ugu badnaa oo weerarada ay dhacaan, waxaana la diiwaangaliyay 42 weerar oo qof hubeysan uu bilaa sabab dad ku laayay.