Musharaxa madaxweynenimada Maraykanka Donald Trump ayay usoo xarootay lacag dhan $34 milyan oo doolar oo loo uruuriyay ololihiisa doorashada, lacagtaas oo inta badan soo xarootay tan iyo intii dacwadda lagu soo oogay.
Sida uu qabo sharciga doorashada Maraykanka, musharax kasta ayay tahay in uu Guddiga Doorashada u gudbiyo xogta la xiriirta lacagaha ololaha uu ku galayo iyo meelaha ay kasoo galeen.
Wuxuu sheegay Trump in lacagahan ay soo galeen sedexdii bilood ee ugu horeysey sanadkani 2023-da. Waxaana lacagahan inta badan bixiyay taageerayaashiisa iyo dadka hantiileyaasha ah ee isaga la dhacsan.
Waxaa xusid mudan in $4 milyan oo lacagtan ka mid ah ay soo xarootay wixii ka dambeeyay 30-kii Maarso maalintii maxkamadda loo taxaabay.
Balse sidaas oo ay tahay, lacagahani aad ayay uga yaryihiin wixii la filayay ama uu horey u heli jirey, waxaana muuqata ayaa la leeyahay in dadka inta badan lacagaha siiya musharixiinta madaxweynenimada ay markani musharixiin kale qarashka siinayaan oo ay Trump ka leexdeen maadaamaa dacwado badan ay ku furanyihiin.
Musharixiin tiro yar ayaa illaa hadda ku dhowaaqay musharaxnimadooda xisbiga Jamhuuriga, balse kan ugu saamaynta badan ee aanan weli ku dhowaaqin, balse la filayo ayaa ah Barasaabka gobolka California DeSantos.