Connect with us

News

Trump oo ku laabtay New York isaga oo toos looga daawanayo shaashadaha

Published

on

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku laabtay magaalada New York xilli dacwad oogeyaasha magaaladaasi ay isu diyaarinayaan in uu isku soo dhiibo galabnimada talaadada.

Trump ayaa ka kicitimay gurigiisa Florida, isaga oo qaatay diyaaradiisa qaaska ah, waxaase talaabo kasta oo uu qaaday baahinayay warbaahinta la iska arko ee Maraykanka, iyada oo ay u muuqatay in Trump iyo kooxdiisa garyaqaanada ay ku raaxaysanayeen baahinta saxaafadda.

Garyaqaanadiisa ayaase xaakimka New York ka codsaday in uu maxkamadda gudaheeda ka mamnuuco kaamirooyinka saxaafadda marka Trump lasoo taagayo xeendaabka eedeysanaha.

Eric Adams oo ah duqa New York ayaase u digey taageerayaasha Trump in ay wax rabshado ah ka sameeyaan magaalada, iyada oo guud ahaan magaalada la adkeeyay amnigeeda.

Kooxda Trump ayaa rajaynayaa in buunbuuninta iyo hadal haynta kiiskiisa ay ka caawin karto in uu markale ku guuleysto xilka madaxtinimada , iyaga oo sheegay in tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan in la xirayo ay uruuriyeen lacag dhan $7 milyan oo doolar oo loogu deeqay ololaha Trump.

Trump ayaa loo haystaa in uu lacag siiyay haweenay lagu magacaabo Stormy Daniels oo ah kuwa jila aflaamta anshax xumada ah, taas oo uu gogol dhaaf la sameeyay. Waxa uu lacagta u siiyay in aysan sheegin wixii labadooda dhexmaray waxyar ka hor doorashadiisi 2016-kii.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: