Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii hore ee ugu horeeyay ebed taariikhda Maraykanka oo lagu soo oogey dacwad dambiyeed, iyada oo loo saaray guddi xeerbeegti ah oo dhagaysan doona dambiyo loo haysto.
Xafiiska Xeer Illaalinta degmada Manhattan ee New York ayaa go’aan ka gaaray dacwadan, balse ma aysan sheegin faahfaahinta waxa ku qoran galka dacwadda.
Waxaase loo badinayaa in ay la xiriirto lacago sharci daro ah oo uu siiyay haweenay uu galmo u weedaartay oo ah kuwa falaamta dhaqan xumada jila Stormy Daniels, lacagtaas oo uu uga gol lahaa in aysan sheegin wixii dhexmaray waxyar ka hor intii aanan Trump loo dooran madaxweynenimada sanadkii 2016-kii.
Dacwaddan ayaa dhabarka ka jabinaysa ololihii Trump ee uu markale ugu jirey madaxtinimada Maraykanka ee sanadka soo socda.
Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii uu Trump isugu soo dhiibi lahaa sharciga, xabsigana loogu taxaabi lahaa.
Trump ayaa horey u sheegay in la qorsheynayo in lasoo xiro, wuxuuna taageereyaashiisa ugu baaqay in ay dhigaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan xarigiisa.