Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu heley xog loosoo dusiyay oo muujinaysa in xabsiga loo taxaabi rabo sababo ku saabsan eedeymo haweenay aflaamta anshax xumada jisha oo ay wax dhexmareen.
Trump ayaa taageereyaashiisa ugu baaqay in ay dhigaan banaanbaxyo waaweyn oo ay kaga soo horjeedaan xarigiisa.
Balse markii saxaafadda la xiriirtay xafiiska Xeer Illaaliyaha degmo ka tirsan New York oo arrinkani quseeyo ayaanan wax jawaab ah la bixinin.
Eedeymaha la baarayo ee Trump ayaa ah lacag $130 kun oo doolar ah oo garyaqaanka Trump uu siiyay gabadha lagu magacaabo Stormy Deniels si aysan u sheegin wixii dhexmaray iyada iyo Trump, waxayna arrintani dhacday maalmo ka hor doorashadiisii 2016-kii.
Garyaqaan u hadlay Trump ayaa sheegay in uu madaxweynihii hore uu aqbali doono in uu wadashaqayn la yeesho xafiiska xeer illaalinta degmada Manhattan ee New York haddii loogu yimaado in xabsiga loo taxaabo.
Haddii la xiro Trump, waxa ay noqonaysaa markii ugu horeysey taariikhda Maraykanka oo madaxweyne hore lagu soo oogo dacwad fal dambiyeed uu geystay.
Guddiyo heer qaran ah oo baaritaano ku sameeyay dhaqamada Trump ayaa qiraalo ka dhagaystay gabadhani Stormy iyo garyaqaanka Trump Mr Cohen, kuwaas oo qirtay in uu dambi dhacay.
Dacwado kale oo heer federaal ah ayaa ku socda ninkani oo si rasmi ah ugu dhowaaqay in uu markale u taaganyahay xilka madaxweynenimada Maraykanka.