Shirkadda Twitter ayaa calaamadda buluugga ah kala laabatay wargeyska weyn ee New York Times kadib markii uu wargeyska diiday in uu bixiyo lacagta billaha ah ee uu soo rogey mulkiilaha Twitter Elon Musk.
Musk oo ay si weyn isu hayaan wargeyskan oo si joogto ah oo aad u xeeldheer wax uga qora Twitter iyo shirkadda baabuurta korontada ku shaqaysa ee Tesla ee uu ninkani leeyahay ayaa sheegay in ciddii aanan bixinin qidmadda billaha ah lagala noqon doono calaamadda buluugga ah ee caddayn u ah aqoonsiga ciddaas, taasina ay ka hor tagayso in cid kale iska dhigto si been abuur ah.
Twitter ayaa soo rogtey qidmad $8 doolar ah qofkii, shirkadahana waxa ay bixinayaan $1000 doolar, halka laamaha kale ee ay isla shirkadaasi leedahay bishii laga qaadayo $50 doolar.
Balse Twitter ayaa lacagtani ka dhaaftay Aqalka Cad iyo madaxweyne Biden, balse shaqaale hoosaadka Aqalka Cad ayaa ku qabsan in ay bixiyaan lacagta.
Wakaaladda Wararka AP oo ka mid ah kuwa diiday ayaanse weli lumin calaamadda buluugga ah.
Waqtigii loo qabtay shirkadaha in ay lacagta ku bixiyaan ayaa lasoo dhaafay, waxayna shirkadda hadda qaadaysaa tallaabooyin ka dhan ah kuwa aanan lacagta iska bixinin.
Hay’adaha warbaahinta ee ay New York Times ugu horeyso ayaa meel adag iska taagay go’aanka Musk ee uu lacagta kaga qaadayo dadka iyo shirkadaha.