Xoghayaha Guud ee ururka Bariga Afrika Mudane Peter Mathuki oo wareysi siiyay wargeyska The East African ayaa sheegay in Soomaaliya ay halis ku tahay dalalka Bariga Afrika haddii aysan kusoo biirin ururka EAC.
Hannaanka ku biirista Soomaaliya ee ururkan ganacsiga ayaa maraya meel wanaagsan oo gebogebo ah, xoghayahana wuxuu sheegay in tani tahay go’aan ay gaareen madaxda dalalka EAC.
Mar wax laga weeydiiyay walaaca ay dadka qaar ka qabaan xubinimada Soomaaliya ayuu sheegay in Soomaaliya oo aanan ururka ka mid ahayn ay ka dhigantahay halis, faa’iido weyna ururka ay ugu jirto in Soomaaliya xubin soo noqoto.
“Soomaaliya waxa ay leedahay wax ka badan 3 kun oo kiilo mitir oo xeeb ah, marka aad ku darted xeebaha Kenya iyo Tanzania, waxa ay wadarta noqonaysaa 5 kun oo kiilo mitir oo xeeb ah, taas oo ka dhigan marin biyood baaxad weyn oo gaadiidka badda uu si xor ah u mari karo, taas oo ah faa’iido weyn” ayuu yiri xoghayaha.
Waxa uu sheegay in Ururka Bariga Afrika uu awood u yeelan doono in uu ka jawaabo haddii xaalado amni kasoo kordhaan Soomaaliya mar haddii Soomaaliya ay xubin buuxda noqoto.
“Haddii Soomaaliya ay codsi u dirsato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa laga yaabaa in aanan la dhagaysanin, balse haddii Bariga Afrika ay codsigaasi dirto waa la dhagaysanayaa” ayuu yiri xoghayaha oo ka hadlayay arrimaha amniga iyo sida looga jawaabayo dalabaadka caawimaad caalami ah.
Ururka EAC ayaa ku xisaabtamaya tirada dadka ku nool dalalkan, baaxadda dhul ahaan, wax soosaarkooda, iyo marinada muhiimka ah sida badda, waana sifada ugu weyn ee Soomaaliya lagu ogolaaday.
Xoghayaha waxa uu kale oo ka hadlay in ay indhaha ku hayaan sidii dowladda Itoobiya uga dhaadhicin lahaayeen in ay xubin ka noqoto ururukan, wuxuuna ku sababeeyay tirada dadka boqolka milyan kor u dhaafaya ee dalkaasi ku nool, taas oo loo arko fursad iyo suuq balaaran oo badeecooyinka la isku dhaafsan karo.