Connect with us

News

Waa kuma geeljiraha awoodda sare lasoo baxay ee Suudaan ?

Published

on

Magaciisa waa Maxamed Xamdaan Dagaalo, waxa uu kasoo jeedaa gobolka Daafuur halkaasi oo reerkiisa ay dhaqdaan geela, kana ganacsadaan, ganacsigaas oo gaara illaa dalka Chad ee dariska ah.

Waxbarashada heer sare kama uusan gaarin, balse waxaa la sheegay in uu inta badan kala wadi jirey ganacsiga geela ee aabihiis iyo awoowgiis, halkaasina ka bilaabatay sare u kiciisa.

Waxa uu aad usoo caanbaxay sanadkii 2019-kii kadib markii ciidamadiisa RSF ay ka qeybqaateen afgambigii xilka looga tuurey madaxweynihii hore Cumar Albashiir, balse hadda isaga ayaa cabasho ka qaba hoggaanka ciidanka ee uu qeybta ka yahay ee ka taliya Suudaan.

Sanadkii 1974-tii ayuu ku dhashay gobolka Daafuur , isaga oo kasoo jeeda qoowmiyadda Mahariya , qoyskiisana ay yihiin hoggaanka dhaqanka oo aad uga ganacsada geella.

Waxaa la sheegay in dagaalyahanimadiisa ay bilaabatay kadib markii dhexda loo galay safar geel ah oo uu qeyb ka ahaa, halkaasi oo qabiilkiisa looga dilay illaa 60 nin, lagana dhacay geel badan, taas oo wixii ka dambeeyay uu qoriga qaatay.

Wuxuu ku biirey jabhaddii Janjawiid oo taageero ka heleysay dowladda Xasan Albashiir si ay isaga dhiciso jabhado beeleedyo ka dhacay gobolka Daafuur sanadkii 2003-dii.

Waxaa la sheegay in madaxweyne Albashiir uu ka heley Mr Dagaalo, kadibna uu dalacsiiyay, siiyayna awood badan illaa markii dambe uu madax ka noqday ciidanka gaarka ah ee RSF sanadkii 2013-kii.

Albashiir ayaa RSF u adeegsan jirey meel kasta oo Suudaan ka mid ah in ay hawlgalo ka sameeyaan, islamarkaasna dharbaaxo ku dhuftaan cid kasta oo xukunkiisa ka hortimaada.

Jeneraal Dagalo ayaa sameeyay hanti badan iyo ganacsi, isaga oo xitaa la wareegay godad dahabka laga qodo oo uu ka qabsaday nin hoggaamiye beeleed ah oo ay is hayeen.

Dagaalo ayaa markii dambe la siiyay darajada Jeneraalnimada, iyada oo awoodiisa iyo saamayntiisa ay sii korortay.

Balse 2019-kii ayuu kasoo horjeedsaday Madaxweyne Albashiir, wuxuuna ka qeyb qaatay afgembigii Suudaan ka dhacay.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: