Waxaa hawada soo galay waraaqo sir qaran ah oo uu Maraykanka leeyahay, kuwaas oo ay muujinaya xoggo si weyn uusan u doonayn Maraykanka in ay baxaan.
Sida ay tabinayso warbaahinta Maraykanka , xogahan ayaa quseeya faahfaahin la xiriirta taageerada militari ee uu Maraykanka siinayo Ruushka, inkasta oo La Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Kiry uu sheegay in xogaha qaar wax lagu dardaray si dadka loo marin habaabiyo.
Sidoo kale waraaqo kale ayaa muujinaya in sirdoonka Maraykanka ay hawada ka qabteen xiriiro dhex maray dowladda Imaaraatka Carabta iyo Ruushka, kuwaas oo muujinaya in sirdoonada labadani dal ay iska kaashanayaan sidii ay dhabarka uga jabin lahaayeen Maraykanka iyo Ingiriiska.
Dowladda Imaaraatka ayaa markiiba beenisay waraaqahan , halka Maraykankana uu beeniyay.
Waxa ay xusayaan in maadaamaa saamaynta Maraykanka ee Bariga Dhexe uu hoos u dhacay, in markani Imaaraatka ay tahay in uu xoojiyo xiriirka Ruushka.
Maraykanka ayaa marar hore uga dhowaajiyay welwelka uu ka qabo in dowladda Imaaraatka ay Ruushka ka saacideyso sidii uu u jabin lahaa cunaqabataynta dhaqaale ee la saaray dagaalka Ukraine awgiis.
Haweenayda lagu magacaabo Elizabeth Risenberg oo ah saraagalad sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaa bishii lasoo dhaaftay sheegtay in Imaaraatka uu Ruushka ka caawinayo in uu Maraykanka uga iibiyo qalabka danabaha gudbiya oo loo adeegsan karo sababo ciidan. Waxyaabahan waxa ay ku jiraan liiska alaabaha laga mabnuucay Ruushka.
Sidoo kale saraakiisha Maraykanka ayaa sanadihii dhowaa sheegayay in uu xiriir ka dhaxeeyo Imaaraatka iyo Kooxda Calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wegner ee Ruushka u dagaalama, una dhow xukuumadda Kremilinka, kuwaas oo xitaa ka dagaalamaya Ukraine, hawlgalana ka fuliya Afrika.
Prof Andreas Kreg oo ka tirsan jaamacadda Kings College ee Ingiriiska oo wareysi siiyay wakaaladda wararka AP ayaa sheegay in Imaaraatka uu yahay saaxiibka ugu weyn Ruushka ee Bariga Dhexe iyo Afrikaba, isaga oo xusey in madaxa sirdoonka Ruushka ninka lagu magacaabo Sergey Naryshkin uu kulamo qoto dheer saraakiisha Imaaraatka kula qaatay Dubai sanadkii 2020-kii.
Ganacsatada waaweyn ee Ruushka ayaa sidoo kale sanadihii dhowaa si xoog badan u maalgashaday Dubai kadib markii xayiraad laga saaray dunida meelo badan.