Connect with us

Entertainment

Wargayska St. Cloud Time ee ay labo weriye kusoo hartay

Published

on

Wuxuu mar ahaa mid ka mid ah wargeysyada ugu saamaynta badan gobolka Minnesota, isaga oo xitaa ku guuleystay abaalmarino kala duwan, islamarkaasna gaari jirey ku dhowaad labo boqol oo kun oo akhristayaal.

Balse haatan wargeyska St. Cloud Times waxa uu u muuqdaa mid xirmaya, lana kulmay hoos u dhac weyn, waxaana kaliya hadda kusoo hartay 2 weriye oo kaliya, iyada oo mar ay ka shaqayn jireen wax ka badan 50 qof.

Dadka akhrista ayaa sidoo kale aad hoos ugu dhacay, waxaana hadda lagu qiyaasaa 8 kun oo kaliya.

Sida uu qabo Dale Zacher oo ah bare wax ka dhiga kulyadda saxaafadda ee jaamacadda St. Cloud, hoos u dhaca saxaafadda madaxa banaan ayaa keeni karta la xisaabtan la’aan dhanka dowladda ah, waxaana dhici karta halis ah in mas’uuliyiinta dowladda ay sameeyaan waxay doonaan marka aysan jirin cid u fiirsanaysa oo madax banaan.

Hoos u dhaca wargeyskan ayaa qeyb ka ah isbadelka ku yimid saxaafadda guud ahaan , gaar ahaan dhanka wargeysyada, iyada oo dadka ay hadda xogaha iyo macluumaadka ka helaan dhanka internet-ka.

St. Cloud Times waxaa iska leh shirkadda ninka lagu magacaabo Gannet , taas oo sidoo kale maamusha wax ka badan 250 wargeys guud ahaan dalka, waxaana shirkadda soo wajahay qalalaase dhaqaale, taas oo keentay in ay shaqaale dhimis sameeyaan.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: