Connect with us

News

Wasaaradaha federaalka oo qaarkood uu khilaaf soo kala dhexgalay

Published

on

Waxaa markii ugu horeysey soo muuqanaya saansaanta khilaafaad ka dhex dhashay gudaha wasaaradaha federaalka Soomaaliya dhexdooda, iyada oo ugu yaraan uu is casilay hal wasiiru dowle.

Khilaafaadka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhaxeeyo wasiirka iyo wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha oo isku qabanaya dhanka maamulka iyo go’aan qaadashada arrimaha muhiimka ah, gaar ahaan sida loo maareynayo mashaariicda socota.

Waxaa ugu dambeeyay wasaaradda arrimaha dibedda oo shalay soo saartay war saxaafadeed ay ku beeninayso in shirkad gaar loo leeyahay la siiyay qandaraas ay kusoo saarayso fiisaha dalka Kenya.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ayaa qortay in wasiir ku xigeenka wasaaradda Cali Balcad oo ah shaqsi ay aad isugu dhowyihiin madaxweyne Xasan Sheekh uu heshiis la galay shirkad fadhigeedu yahay Kenya si ay u fududeyso hawlaha fiisaha dalka Kenya oo dalabkiisa aad u badanyahay.

Balse waxaa kasoo dabo baxay warqad uu soo saaray wasiirka Abshir Huruuse oo lagu sheegayo in fiisooyinka aanan lagala macaamili karin wax shirkad ah.

Isla todobaadkan, dhacdo kale ayaa ka dhacday wasaarada kale , waxayna la xiriirka shirkad qandaraas la siinayo. Wasiir dowlihii duulista hawada Maxamed Cali Cumar Caano Nuug ayaa is casilay, wuxuuna wasiirka Marwo Fardawso ku eedeeyay ku tagrifal iyo in ay magacawday mas’uuliyiin si sharciga baalmarsan.

Waxaase la sheegay in arrinka la isku qabtay ay tahay shirkado bixiya qandaraaska shidaalka diyaaradaha , kuwaas oo mas’uul kasta uu u doonayay in si isaga u gaar ah loo maareeyo.

Weli xafiiska Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Barre kama uusan hadlin arrinkani wasaaradaha ka dhaxeeya.

%d bloggers like this: