Connect with us

News

Wasaaradda Arrimaha Gudaha  oo la siiyay awooddo dheeraad ah

Published

on

Heshiis habeenkii xalay ahaa lagu saxiixay magaalada Baydhabo oo dhexmaray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah ayaa lagu saxiixay qodob weyn oo saamayn doona doorashooyinka dowlad goboleedyada kale ee dalka.

Qodobkan ayaa dhigaya in doorashada dhacaysa bisha Janaayo 2024-ta ee Koonfur Galbeed ay maamuli doonto wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

Arrintan ayaa ka dhigan in ay sidoo kale saamayn doonto doorashooyinka Galmudug, Hirshabeelle iyo Waliba Jubbaland oo dhammaantood la filayo in ay dhacaan labadan sano ee foodda nagu soo haya gudahood, gaar ahaan inta uusan dhamaanin muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama oga sida arrinkani uga shaqayn doono Jubbaland oo marar badan oo hore ay suurtogali weysay in ay dowladda federaalka dhex gasho doorashooyinka ka dhacayay.

Puntland oo iyaduna doorasho qabanaysa sanadka soo socda ayaa hoos u dhigtay xiriirkii ay la lahayd federaalka.

Tan iyo intii sanadkii hore dib loosoo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa soo baxayay saansaan xooggan oo muujinaysa in wasaaradani loosoo celinayo kaalinteedii dowlad goboleedyada, iyada oo la arkayay wasiir Axmed Fiqi oo garoonka Muqdisho ku qaabila madaxweynayaasha dowlad goboleedyada marka ay caasimadda u tagaan shirka Wadatashiga Qaran.

Waxyaabaha sii xoojinaya kaalinta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ah in ciidamada federaalka ay haatan si xoogaysan u joogaan inta badan dowlad goboleedyada afarta ah ee Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaala, iyada oo markii ugu horeysey ciidamo badan oo federaal ah ay ka hawlgalaan qeybo ka mid ah Jubbaland, iyada oo maamulkaasi uusan haatan wax xasaasiyad ah ka qabin.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: