Connect with us

News

Wasiiradda Bariga Afrika oo ka doodaya xubinimada Soomaaliya

Published

on

Bahda Ganacsiga ee Bariga Afrika ee ay ku midoobeen 7-da dal ayaa shir uga socda dalka Burundi waxaa lagu lafo gurayaa warbixin guddi xaqiiqo raadin ah ay kasoo diyaariyeen Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee ururkani EAC Mudane Peter Mathuki ayaa shirka kaga dooday in kusoo biiritaanka Soomaaliya ee ururkani ay keeneyso faa’iido weyn maadaamaa Soomaaliya ay leedahay xeeb dheer oo ka tirsan Badweynta Hindiya, taas oo si toos ah ugu xiran Badda Cas ee ah marinka ganacsiga adduunka.

Waxa uu sheegay meesha ay ku taalo Soomaaliya joqoraafi ahaan ay ururkani u horseedi karto faa’iido aan xad lahayn oo ganacsi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shirka ayaa looga doodayaa xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, dhanka caddaalada iyo waliba xuquuqdana aadanaha iyo hay’adaha dowliga ah sida ay u xoogganyihiin.

Shirkan oo heerkiisa uu yahay kan Golaha Wasiirada ah ayaa ah kan dajiya siyaasadaha ururka, madaxdana usoo gudbiya go’aanada kama dambeysta ah inta aanan la saxiixin.

Wararka ayaa sheegaya in ay u badantahay in Soomaaliya la aqbali doono xubinimadeeda EAC.

%d bloggers like this: