Connect with us

News

Wasiiradda Somaliland oo hadalo isburinaya ka sheegaya Laascaano

Published

on

Wasiiradda Somaliland ayaa shalay siidaayay hadalo aan is waafaqsanayn oo ku saabsan arrimaha Laascaano.

Wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Caateeye oo hadlay ayaa sheegay in ay inta badan gacanta ku hayaan amniga Sool, mardhowna ay la wareegi doonaan Laascaano, isaga oo intaas ku daray in ay dib u riixeen ciidamadii kasoo horjeeday.

Balse hadalkaasi mid ka duwan waxaa saxaafadda u sheegay wasiirka warfaafinta Saleebaan Koore , wuxuuna qabaa in colaadda Laascaano lagu dhameeyo wadahadal, halkii xoog lagu maquunin lahaa.

Dagaalada ayaa weli u socdo si goos goos ah, waxaana si aan joogto ahayn u dhaca iska hor imaadyo, iyada oo dhinacyada ay isku eedeynayaan in midba midka kale uu weerarka ku horeeyay.

Dedaaladii wadahadalka ayaanan mirodhalin, welina waxaa qax ku jira shacabkii magaalada oo la kulmayo duqeymo markasta oo uu dagaal dhoco.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: