Illaa 40 urur oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda bini’aadamka iyo labo wasiir hore ayaa warqad wadajir ah u qorey Ra’isulwasaaraha dalka Canada Justine Tredua kadib tallooyin kasoo baxay guddi heer qaran ah oo baaritaan ku sameeyay nin Soomaali ah oo magangalyo doon ahaa oo ku dhintay xabsiyada dalka Canada.
Cabdiraxmaan Ibraahim Xasan ayaa ku dhintay dalkaasi sanadkii 2015-kii kadib markii u uku jirey xabsiyada Canada muddo dhan 3 sanadood, isaga oo loo haystay eedeymo la xiriira soo galooti sharci daro ah. Waxaa la sheegay in Cabdiraxmaan uu qabay xanuunka dhimirka, marar badana la galiyay xabsi kaligiis ah oo heer goboleed ah.
Guddi loo saaray geeridiisa ayaa soo saaray tallooyin gaaraya 53 talo soo jeedin oo loo direy dowladda federaalka, waxaana ka mid ah in gebi ahaanba meesha laga saaro in dadka soo galootiga ah la galiyo xabsiyada heerka goboleed oo aanan lahayn tasiilaad ku filan oo lagu hayn karo dadka soogalootiga ah.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Canada Lloyd Axworthy iyo wasiirkii caddaanada Canada Allan Rock ayaa ansixiyay warqadda codsiga ah ee 40-ka urur u qoreen xukuumadda RW Justin, waxayna ka codsadeen in la fuliyo tallooyinka uu guddiga baarista horey usoo saaray.
Guddigii shanta xubnood ee xeer-beegtida ahaa ee 17-ka maalmood baarayay geerida Cabdiraxmaan ayaa ka codsaday dowladda in dadka muhaajiriinta ah ee Ontario ay u diyaariso hoy iyo goobo ku habboon oo lagu hayn karo oo aanan ahayn xabsiyada heerka goboleed.
Ururada hadda soo cusboonaysiiyay codsigaas oo ay hormuud u tahay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegay in xabsiyada soogalootiga la dhigo aysan lahayn goobo caafimaad oo lagu daryeeli karo dadka qaba xanuunada iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.
“Waxaa la galiyaa xabsiyada heerka goboleed, si joogto ah ayaa jeebada loogu xiraa ama lugaha ayaa silsilad looga xiraa, qolalka xabsiyada ayaa saacado ay ku xirnaadaan, si joogto ah ayaa kormeer loogu hayaa, mararka qaarna kaligood ayaa qolal lagu xiraa” ayaa lagu yiri warqadda loo qorey Ra’isulwasaaraha Canada, iyada oo lasoo taxay diiwaanka 17 qof oo xabsiyada Canada dayac ugu dhintay tan iyo sanadkii 2000, oo ay ku jiraan labo qof oo labadii sano ee lasoo dhaafay ku dhintay xabsiyada gobolada British Columbia iyo Quebec.