Connect with us

Health

Wax ka badan 30 qof oo qaboow ugu dhintay Maraykanka

Published

on

Malaayiin qof oo Maraykanka ku nool ayuu saameeyay qaboowga iyo barafka is wata ee ka jira Maraykanka, waxaana lasoo sheegayaa in illaa hadda ay 34 qof u dhinteen qaboowga.

Barafka oo meelaha qaar dabaylo wata ayaa dhulka dhigaya xarkihii korontada, taas oo laydhka ka baqtiinaysa guryo badan kuwaas oo ku tiirsanaa diirimaadka korontada.

Dabaylaha barafka wata ayaa ku dhuftay laga soo bilaabo Harooyinka Waaweyn ee Canada dacalka ku haya illaa webiga Rio Grande ee Mexico saaran, iyada oo 60% bulshada Maraykanka uu saamayn ku yeeshay qaboowga.

Wax ka badan 1700 oo duulimaad oo maxali iyo caalami ah ayaa gebi ahaanba la joojiyay sababo la xiriira cimilada xun.

Magaalada New York ayay ugu sii darantahay duufaanta iyo barafka, halkaas oo sida la sheegay kooxaha gargaarka degdega ah ay shaqada gacantooda ka badatay.

Xaaladda qaboowga ayaa sidan sii ahaanaysa maalmaha soo socda, iyada oo dalka oo dhan heegan la galiyay adeegyada gargaarka degdega ah, la iskuna dayayo in xaaladda cakiran laga jawaabo.  

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: