Connect with us

News

Welwel laga muujiyay Garaadka Macmalka ah  oo hadda samayn kara qormo

Published

on

Dadka ku hawlan dhinaca waxbarashada iyo horumarinteeda ayaa welwel xooggan ka muujiyay Garaadka Macmalka ah oo gaaray heer aanan la filanaynin, iyada oo hadda la gaarsiiyay heer lagu soo saari karo qoraalo micno samaynaya oo uusan qof bini’aadam ah qorin.

Shirkadda OpenAI oo ka jirta dalka Maraykanka ayaa soo saartay barnaamij lagu magacaabo ChatGPT oo alifi kara qoraal la mid ah kan ay qoraan qoreyaasha iyo aqoonyahanada, kaas oo ah mid micno samaynaya. Barnaamijkan ayaa lagu shubey kaydka qoraalo horey loo sameeyay, kuwaas oo u sahlaya in uu mala awaalo kelmadda iyo weedhaha xiga marka uu hal weedh qoro.

Qofka isticmaalaya ayaa marka hore galinaya moowduuca uu doonayo in uu ka hadlo , kadib barnaamijka ayaa dhamaystiraya qoraalka intiisa kale.

Bareyaasha jaamacadaha ayaa qaba in habkani uu horseedi karo in ardayda qishaan marka looga baahdo layliyada qormooyinka oo ah shuruudaha ugu muhiimsan ee lagu ogaado heerka garashada iyo aqoonta ardayga marka la joogo heerarka kala duwan ee waxbarashada.

Balse dad kale ayaa qaba in aysan jirin sabab looga welwelo maadaamaa barnaamijkani ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah uusan kala saari karin runta iyo beenta, kaliyana uu buuxinayo meelaha banaan, sidaasi awgeedka macalimiinta ay durba garan karaan in qoraalka uu ardayga soo qorey iyo in mashiinka soo qorey.

Kuwa kale ayaa soo dhoweeyay sancadan cusub, waxayna sheegeen in qalabkani uu arday badan oo Ingiriiska uusan afkooda hooyo ahayn ama kuwa baahiyo gaar ah qaba uu ka caawin karo in ay qoraalka si wanaagsan u bartaan.

%d bloggers like this: