Weriye ka tirsan wargeyska Guardian ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa maqaal dheer ka qorey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii sida uu weriyaha sheegay madaxweynaha la qaatay 72 saacadood oo xiriir ah.
Tom Gardener oo qudhiisa u dhashay dalka Britain ayaa sheegay in madaxtooyada Villa Soomaaliya ay u egtahay xero ciidan oo dhufeys ah, oo aysan u saansaan ekeyn meel dal looga taliyo, madaxweynahana uu yahay nin haya mid ka mid ah shaqooyinka ugu adag dunida.
Waxa uu sheegay in madaxweynaha uu shaqeeyo 20 saacadood oo xiriir ah, si joogtana uu si shaqsiyan uga jawaabo taleefoonkiisa isaga oo xogtii ugu dambeysay ka helaya furumaha dagaalka.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu yahay qofka kaliya ee mara waddooyinka Muqdisho ee aanan isgoysyada lagu istaajin, balse qof kasta oo kale lagu baaro tobonaan jid gooyo oo caasimadda ku daadsan.
Wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha uu noloshiisa inteeda badan ku qaatay dalka gudihiisa, ilmihiisa 20 ka ahna uu dhammaantood ku dhalay Soomaaliya marka laga reebo hal ka mid ah oo qurbaha ku dhashay.
Weriyaha ayaa tilmaamo dheeraad ka bixiyay hab-dhaqanka madaxweynaha, qaar ahaan wuxuu sheegay in marka uu khudbadaha jeedinayo uu dhan kasta uga egyahay magacalin jaamacadiid oo hadalka deeqsiiya qof kasta oo dhagaysanaya. La yaabna ma leh ayuu yiri in muddo dheer uu Xasan ahaa macalin jaamacadeed.
Tom Gardener ayaa sheegay in ay su’aal ka taagantahay illaa heerka Xasan Sheekh uu taageero ka haysto shacabka, balse wuxuu xusey in madaxweynihii hore Farmaajo uu lacag badan ku bixiyay xiriirka bulshada, taageeroyaal badana uu weli ku leeyahay Baraha Bulshada.