News

Weriye isu soo taagay madaxweynenimada Maraykanka

Published

on

Daadihiye Raadiyoow oo ku yaala Maraykanka oo caan ah Larry Elder oo 70 jir ah ayaa shaaciyay in uu isu soo taagayo xilka madaxweynenimada Maraykanka sanadka 2024-ta, isaga oo ku loolamaya xisbiga Jamhuuriga.

Isaga oo u waramayay Idaacadda La iska Arko ee FOX News ayuu sheegay in Maraykanka uu hoos u dhac weyn ku socdo, loona baahanyahay in soo kabasho la sameeya, uuna aaminsanyahay in uu isaga yahay kan isbadel dhab ah la iman karo.

Sanadkii 2021-kii ayuu isu soo taagay xilka Barasaabka California kadib markii uu heley codadka ugu badan 46 musharax oo xilkaasi raadinaysay, iyada oo la filayay in codbixin kalsooni kala noqosho ah loo qaado Barasaabka gobolkaasi , balse codkii kalsoonida ayaa socon waayay oo barasaabkii uu badeli lahaa kalsoonida ayuu heley.

Ninkan oo ah nin madoow ayaa horey u dhaleeceeyay dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter ee loogu doodo xuquuqda dadka madoow, taas oo mucaaradad badan uga dhex abuurtay dadka madoow.

Leave a ReplyCancel reply

Trending

Exit mobile version