Wiil uu adeer u yahay madaxweynihii la diley ee Maraykanka John F. Kennedy ayaa kusoo biiray tartanka madaxweynenimada Maraykanka ee 2024-ta.
Robert F. Kennedy Jr, waxaa dhalay Robert Kennedy oo la dhashay John, oo ahaa isaga qudhiisa xeer illaaliyihii Maraykanka, islamarkaasna isu soo taagay madaxweynenimada, balse markii dambe isna la diley sidii walaalkiis xilli uu qarka u saarnaa in loo doorto madaxtinimada Maraykanka.
Musharaxan oo ah qoraa caan ah, kana soo jeedda qoys siyaasadda si weyn ugu xusan ayaa lagu yaqaanaa in uu kasoo horjeeddo talaalada cudurada safmarka ah sida Karoonaha, wuxuuna u arkaa wax bulshada lagu baabini’nayo.
Waxa uu iska soo sharaxay xisbiga Dimoqoraadiga, wuxuuna doonayaa in uu la loolamo madaxweyne Biden, inkasta oo tani loo arko arrin aanan sahlanayn.
Aabihiis iyo adeeradiis oo siyaasadda ku jirey lixdanaadkii iyo todobaatanaadkii ayaa qaarna la diley, qaarna u dhintay sababo shaki uu hareeyay.
Adeerkii Kennedy oo madaxweyne ah ayaa toogasho lagu diley sanadkii 1962-dii isaga oo booqasho ku maraya Dallas.