Wiilka uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Hunter Biden ayaa maxkamad ku taala New Arkansas weeydiistay in gabadh yar oo 4 sano jir ah oo uu isaga dhalay aysan qaadanin magaca qoyskiisa, halka gabadha hooyadeed ay isla maxkamadda weeydiisatay in gabadha loo ogolaado magaca qoyska reer Biden.
Hunter wuxuu doodayaa in magaca qoyska ay dhibaato weyn kasoo gaari karto gabadha marka ay hadhoow korto maadaamaa qoyskani uu yahay qoys ku awood badan dhanka siyaasadda, lagana yaabo in cadaw badan leeyihiin.
Balse hooyada gabadha ayaa iyadana ku doodaysa in magacani uu caawin karo gabadheeda, siina karo fursad aysan hesheen.
Hunter ayaa gabadhani ka dhalay haweenay ka mid ah kuwa ka ciyaarta haweysyda qamriga.
Gabadhan ayaa hadda wadata magaca ah Navy Joan Roberts maadaamaa hooyadeed aysan wada joogin aabaheed.
Wiilka Biden ayaa markii ay gabadhani dhalatay 2018-kii diidey in uu isaga yahay aabaha dhalay, balse dib ka qirtay. Hunter Biden ayaa buug uu qorey labo sano ka hor ku sheegay in uusan xusuusan goorta ay haweenayda gabadha dhashay isu weeydaarteen.
Hunter ayaa leh reer kale, waxaana loo hayaa 3 gabdhood iyo wiil yar.