Wararka ka imanaya magaalada Laascaano ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xaaladda amniga iyo degenaanshaha halkaasi ay faraha kasii baxayso, iyada oo saacad kasta ay xaalad cusub soo kordheyso.
Waxa ay ugu darnayd markii salaaddii jimcaha kadib ay ciidamada Somaliland toogasho ku dileen Sheekh ka tirsan culumada magaalada iyo qof shacab ah , qaar kalena dhaawaceen.
Waxaa gebi ahaanba xiran xarumaha ganacsiga magaalada iyada oo ay isu badeshay jawi colaadeed iyo dagaal, kuna sii qulqulayaan ciidamo ka yimid meelo kala duwan.
Ciidamada Somaliland ayaa dhankooda galay diyaargaroow iyo difaac, iskuna dayaya in ay xaaladda si xoog ah uga jawaabaan.
Garaadka beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland, wuxuuna sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanan loo dulqaadan karin waxa ka dhacaya magaalada.
Tirada dilalka Laascaano ayaa sii maraya wax ka badan 100 qof sanadihii lasoo dhaafay sida uu war saxaafadeed ku sheegay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxaa Iyana isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo Somaliland iyo shacabka mudaaharaadyada dhigaya.