Iyada oo markii horeba ay jirtay hubanti la’aan siyaasadeed ayaa waxaa 24-kii ugu dambeeyay soo baxaya warar tilmaamaya in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo cusub oo siyaasadeed oo gobolka Gedo ka jira.
Waxa ay maalinta ku bilaabatay warqad magacaabis ah oo kasoo baxday hay’adda NISA, taas oo mas’uul cusub loogu magacaabayo gobolka Gedo kadib markii taliyihii hore Col Bakaal Kooke lagu diley qarax lagula eegtay inta ka dhaxaysa Dooloow iyo Luuq.
Waxaa sidoo kale gobolka maanta gaaray wafti uu hoggaaminayo Senator Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, uuna qeyb ka yahay Cabdirishiid Janan.
Waftigan oo gaaray magaalada Dooloow ayaa heshiis markiiba la saxiixday guddoomiyaha Gedo Axmed Buule Gareet (Canjeex) oo ay muddo is hayeen.
Waftiga Jeneraal Fartaag ayaa marar badan laga celiyay gobolka Gedo iyaga oo kasoo duuli rabay magaalada Muqdisho, balse markani waxa ay kasoo duuleen Nairobi, waxa ay kasoo dageen magaalada Mandeera, iyaga oo ka gudbay xudduuda Kenya iyo Soomaaliya, sidaasna ku galay gobolka Gedo.
Lama oga sida ay ku biyo shuban doonto xaaladda siyaasadeed ee Gedo, balse waxaa muuqata in uu biloowday hir cusub oo khilaaf siyaasadeed ah oo u dhaxeeya siyaasiyiinta Gedo, maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka oo weli aanan la hubin dhanka ay jirto.