Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 8 sano oo xarig ah ku ridday xaaska hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, haweenay lagu magacaabo Fartuun Cabdirishiid Xuseen.
Dambigeeda kaliya ma ahayn in ay tahay xaaska Sheekh Cabduqaadir Muumin oo sanadkii 2015-kii Soomaaliya ka asaasay garabka Soomaaliya ee Daacish, balse waxa lagu heley in ay kooxdani ka taageeri jirtay dhinaca uruurinta lacagaha iyo kala gudbinta waxyaabaha muhiimka u ah.
Waxa ay adeegsan jirtay dhawr magac oo kala ah Faaiso, Aasiya iyo Faysa, waxayna ciidamada dowladda ka qabteen guri ku yaala degmada Heliwaa sanadkii hore.
Maxkamadda ayaa ku heshey in ay xiriir dhow la lahayd madaxa warfaafinta Daacish iyo waliba hoggaamiyihii mardhow Maraykanka duqeynta ku dileen ee Daacish Bilaal Suudaani.
Xukunada noocan oo kale ah ayaa diraya farriimo cadcad oo ah in aanan markan laga warwareegi doonin cid kasta oo ay lug soo gasho.