Xeer Illaaliyaha guud ee gobolka Minnesota Keith Ellison ayaa baaraya dacwad uu gudbiyay ururka ISU ROON oo u dooda xuquuqda dumarka iyo gabdhaha, waxayna dacwadda ku saabsan shirkad guryaha kireysa oo lacago dheeri ah weeydiisay qoysas Soomaali ah oo degen Minneapolis.
Shirkaddan oo lagu magacaabo IPG ayaa dadka degen dhismayaasha Greenways Apartments ee u dhow suuqa Karamel u sheegtay in ay bixiyaan lacago dheeraad ah oo korontada iyo biyaha iyo qashinka ah, haddii kale dhismaha laga saari doono.
Dadka qaar ayaa lagu soo dalacay lacago gaaraya illaa $2000 kun doolar oo ka dheeraad ah kirada.
Keith Alison ayaa sheegay in xafiiskiisa uusan marnaba aqbali doonin in dadka kireystayaasha ah lagu xad gudbo xuquuqdooda, lana weeydiisto lacago dheeraad ah, isaga oo intaasi ku daray in ay jiraan sharciyo illaalinaya xaqa kireystaha.