Connect with us

News

Xildhibaan Cabdi Ismaaciil Samatar : Jabinta Alshabaab ma xalin doonto mushkiladda Soomaaliya

Published

on

Xildhibaanka Aqalka Sare Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa xaanshi kooban oo daraasad ah oo u u ku qorey Warsidaha The Conversation ee bahda Qalinlayda adduunka wax kusoo bandhigaan ayu uku sheegay in xitaa haddii gebi ahaanba Soomaaliya laga xoreeyo Alshabaab aysan halkaasi ku ekaan doonin dhibaatada Soomaaliya.

Prof Samatar ayaa sheegay in uu isaga horey u saadaaliyay burburkii soomaaliya  1991-dii ka hor isaga oo arday siyaasadda barta ah, haddana uu saadaalinayo in tobonaan kale oo qas ah uu dalka kusii jirayo illaa xaaladaha qaar ay weli sii jiraan.

Samatar ayaa doodiisa u cuskaday labo qodob oo kala ah dhaqanka qabyaaladda ku salaysan ee hormuudka siyaasadda Soomaaliya ay caadaysteen, iyo sidoo kale beesha caalamka oo uu ku eedeeyay in ay bah-wadaag la yihiin siyaasiyiinta Soomaaliya.

Waxa uu ku doodayaa in aysan jirin wax la taaban karo haba yaraatee oo dalka laga qabtay oo horumar ah, balse ay horumar been ah isaga marqaati kacaan madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Prof Samatar ayaa dowladda hadda jirta ku eedeeyay in aysan waxbo ka baran casharadii hore iyo taariikhihii lasoo maray, isaga oo sheegay in abaabulka ciidamada beelaha iyo Hay’adda NISA oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayso ganacsatada Soomaalida, labadaasi arrimoodba ay horseedi karaan dagaalo iyo xasilooni daro cusub xitaa marka Shabaab dalka laga saaro kadib.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in xaaladihii Alshabaab markii horeba ay ka dhasheen ay weli taaganyihiin, taasina ay sii dabo dheereyn doonto mashaakilka Soomaaliya.

%d bloggers like this: