Xildhibaanka federaalka Cabdiraxmaan Odowaa oo sidoo kale saaxiibka ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay oo ka hadla diidmada Puntland ee heshiiskii xalayto lagu saxiixay Villa Somalia.
Odowaa oo ay u badantahay in uu xog hoose ka hayo gorgortankii laga galay heshiiska ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook waxa uu ku sheegay in Puntland xaq u leedahay in ay tashi ula laabato heshiiska, aysana waxbo ku jabnayn in ay saxiixo weyso.
Balse waxa uu guul taariikhi ah ku tilmaamay in markii ugu horeysey heshiis siyaasadeed laga gaaray kala xadaynta awoodaha heer federaal iyo heer maamul goboleed tan iyo intii uu dalka qaatay nidaamka federaalka.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka baaqsaday in uu saxiixo heshiiska, wuxuuna sheegay in uu dib ula noqonayo qodobada, gorgortan gaar ahna kala geli doono dowladda federaalka.