Xildhibaanad Victoria Spartz oo laga soo doorto gobolka Indiana ayaa si xooggan u difaacday xildhibaanada Ilhaan Cumar, waxayna sheegtay in aysan xaq ahayn isku dayada guddoomiyaha cusub ee Koongareeska uu ku doonayo in uu Ilhaan uga saaro guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka oo ay muddo kusoo jirtay.
Marwo Victoria ayaa sheegtay in hadda ka hor ay diiday isku day noocaas ah oo guddoomiyihii hore Marwo Nancy Palosi ay ku doonaysay in ay guddi kaga saarto labo xildhibaan oo xisbiga Jamhuuriga ah.
“Qalad qalad laguma soxo” ayay tiri xildhibaanada oo sheegtay in sidii ay labo sano ka hor u difaacday xildhibaanada kale ay haddane u difaacayso xildhibaan Ilhaan iyo labo kale oo xisbiga Dimoqoraadiga ka tirsan.
Guddoomiyaha cusub Mudane McCarthy ayaa la sheegay in uu doonayo in uu Ilhaan ka reebo guddiga awoodda badan ee Arrimaha Dibedda.
Xisbiga Dimoqoraadiga ee ee Ilhaan ayaa tiro yar ku lumiyay aqlabiyadda Koongareeska, taas oo keenaysa in xubnahooda muhiimka ah laga saaro guddiyada.