Connect with us

News

Xog- Dalalka dariska oo ciidamo hor leh galinaya Soomaaliya

Published

on

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dalalka dariska la ah Soomaaliya sida Itoobiya iyo Kenya in ay ciidamo dheeraad ah oo aanan ka tirsanayn hawlgalka ATMIS ay galayaan Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa dhowaan shaaciyay la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Xasan Macalin mar uu dhowaan booqasho ku tagay Washingtong.

Arrintan ayaa waxaa ka heshiiyay madaxda dalalka Safka Hore markii ay dhowaan ku kulmeen Muqdisho, waxaana kadib si faahfaahsan uga sii wada hadlay wasiiradda gaashaandhigga oo ka dhacay Kenya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in todobaadyada soo socda ay ciidamadaasi oo kumanaan ah ay xuduuda soo gudbi doonaan, qaadina doonaan duulaamo waaweyn oo ka dhan ah Alshabaab xilli dowladda federaalka ay doonayso in sanadkan gudihiisa ay Alshabaab kaga saarto dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda shirar iyo dhaqaaqyo laamaha fulinta iyo hay’adaha gargaarka ay kaga tashanayaan sidii laga yeeli lahaa deegaanada cusub ee Alshabaab laga saari doono.

%d bloggers like this: