Connect with us

News

Xog-Uruurin : Marxaladaha ku gedaaman shaqalaha rayidka ah

Published

on

Dhowaan waxaa cirka isla qabsaday arrinta ku saabsan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka, kuwaasi oo aanan shaqo tagin intooda badan, waxaana hadda soo baxay amar la siiyay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha , kaas oo ah in ay shaqaalaha kala xisaabtamaan maqnaanshiyaha badan.

Ra’isulwasaaraha federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in 4 kun oo shaqaale ah aysan soo xaadirin maalinkii uu la kulmayay agaasimeyaasha guud oo uu codsaday in markaasi la joogo la tuso inta ay dhanyihiin shaqaalaha xaadirka ah.

Dowladda waxaa u diiwaangashan 5751 shaqaale rayidka ah oo uu ugu hooseeye dhul xaaqaha, uguna sareeyo agaasime guud, waxaa maalintaas shirka dhacayay shaqada ka maqnaa (xilligii shaqada la xaadiri lahaa ) 4349 qof, kuwaas oo 186 ka mid ah ay fasax rasmi ah ku maqnaayeen.

Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in askari qaata $200 doolar uu furumaha ku dhaawacmo, qof laga yaabo in uu $1500 qaatana uu dibaha isaga maqnaado isaga oo aanan wax shaqo ah hayn.

Balse ciladaha jira waa wax aad uga weyn xaadirid la’aanta shaqaalaha, ee waxaa gebi ahaanba qariban nidaamka shaqada dowladda.

Marka koowaadba ma jiro heshiis shaqo oo laga saxiixay qofka shaqaalaha ah iyo qandaraas lala galay .

Waxaa intaasi dheer ma jirto wax shaqo la taaban karo oo ka socota xafiisyada dowladda kuwaas oo aan lahayn qorshe shaqo oo degsan iyo waajibaadyo la kala leeyahay.

Wasaaradaha qaar ayay u diiwaangashanyihiin shaqaale ka badan intii loo baahnaa, kuwaas oo ay dhici kartaba in xitaa aysan lahayn xirfadihii saxda ahaa ee wasaaradaas looga baahnaa.

Sida ay sheegeen shaqaale kala duwan oo wasaaradaha ka tirsan, caqabadaha ugu waaweyn ee wajahaya in ay shaqo tagaan ayaa waxaa ka mid ah xirnaanshaha tirada badan ee waddooyinka, iyo nidaamka gaadiidka magaalada oo aad u qaldan, taas oo keenta in ay shaqada xilligii loogu talogalay tagi waayaan amaba ka daahaan.

Faquuq iyo ixtiraam la’aanta madaxda xafiisyada dowladda oo lagu qeybsaday qaab qabiil ayaa Iyana ka mid ah waxyaabaha ay ka sheeganayaan shaqaalaha.

Ma jiro nidaam lagu abaalmariyo ama lagu dalacsiiyo shaqaalaha oo ay dowladda leedahay si kasta oo uu qofka shaqo wanaagsan u qabto, taasna waxa ay keentay in shaqaale waayo aragnimo badan leh ay shaqada ka niyad jabaan, iyada oo marar badan ay dhacday in guusha shaqada wanaagsan ay sheegtaan madaxda.

Fursadaha soo baxa sida siminaarada, tabobarada, iyo safarada dibada ayaa la sheegay in qaab eex ah lagu saleeyo, taas oo keenta niyad jab badan oo shaqada dhexdeeda ah.

Dhanka kale, qubarada Kheeyraadka Aadamiga ah oo aan qaarkood la hadalnay ayaa sheegaya in adduunyada aysan maanta mudnaanta koowaad lahayn xaadirista shaqada, ee ay tahay natiijada shaqooyinka uu qofka qabanayo. Waxa lasoo jeediyay in dowladda xoogga saarto shaqooyinka la fulinayo , oo aysan aad ugu mashquulin in dadka shaqada soo xaadiraan, inkasta oo taas lafteeda ay muhiim tahay.

%d bloggers like this: