Connect with us

News

Xog : Xiisaddii Gedo oo degtay kadib markii uu soo dhexgalay Cabdi Xaashi

Published

on

Xiisaddii siyaasadda ee ka taagtayn gobolka Gedo ayaa u muuqata in ay degtay kadib markii arrinka uu soo dhexgalay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Wararka uu helayo Somali American TV ayaa sheegaya in Cabdi Xaashi uu wacay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, una sheegay in uu si degdeg ah ugu soo laabto Muqdisho maadaamaa uu yahay xildhibaan Aqalka ka tirsan. Cabdi Xaashi ayaa Fartaag u sheegay in aysan munaasab ahayn in uu hawlo siyaasadeed oo khilaaf dhalinaya uu dhexgalo isaga oo ah mas’uul heer qaran, loogana baahanyahay shaqadiisa.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobeu u Cabdi Xaashi ka codsaday in uu sidaasi sameeyo, haddii kale ay labadooda ka wada shaqeeyaan in xilka laga qaado Senator Fartaag, kadibna Jubbaland ay soo doorato xildhibaankii badeli lahaa Fartaag.

Jeneraal Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Cabdirishiid Janan ayaa ku sugan magaalada Dooloow, halkaas oo ay uga dhowaaqeen in ay uruurinayaan ciidamo macawuusley ah, islamarkaasna qabanayaan magaalada Bu’aale, balse xamaasaddii arrintan ayaa dentay kadib markii ay soo dhexgashay dowladda Federaalka oo sidoo kale la hadashay ciidamada halkaas ku sugan.

Illo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in safarka Fartaag iyo Janan ay ku tageen Gedo uu fan gareeyay madaxweyne maamul goboleed ay si weyn isu hayaan Axmed Madoobe.  

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: