Connect with us

News

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Muqdisho kaga dhowaaqay yabooh

Published

on

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Muqdisho iyada oo loosoo dhoweeyay hab maamuus heerkiisa sareeyo oo gaada ka ciyaar uu ka mid yahay.

Waddooyinka magaalada ayaa intooda badan loo xirey imaanshihiisa, wuxuuna markii dambe shir jaraa’id la qabtay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xoghayaha ayaa jeediyay hadal wuxuuna dunida u bandhigay baaq culus, wuxuuna sheegay in maanta Soomaaliya ay ka jirto dhibaatadii ugu cusleyd oo xagga bini’aadanimada ah, ayna tahay in lasoo garab istaago.

Xoghayaha ayaa madaxda dalka casho Sharaf la qaadanaya xilliga affurka maadaamaa uu yimid xilli maalin ah oo ay madaxda soomanaayeen.

%d bloggers like this: