Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey ku dhowaaqday in hawlgaladii ka dhanka ahaa Alshabaab markani loo weecinayo dhanka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed kadib markii guulo la taaban karo laga gaaray hawlgaladii laga fuliyay Hirshabeelle iyo Galmudug.
Hadalka ayaa kasoo baxay Ra’isulwasaare Xamse Cabdi kadib markii uu kulan la yeeshay madaxweynayaasha maamuladaas oo maalmahan Muqdisho u joogay shirka Madasha Wadatashiga Qaranka.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay hub iyo saanad ciidan siinayso Jubbaland iyo Koofur Galbeed, islamarkaasna ay xoojinayso ciidanka xoogga dalka ee labadaasi maamul ku sugan.
Dhanka Jubbaland waxaa la sheegay in hawlgalada lagu xoreyn doono degmooyinka Jubbada Hoose sida Xagar iyo Badhaadhe.
Degmooyinka Koonfur Galbeed oo ka kooban 18 degmo ayaa inta badan gacanta ugu jira maamulka, hase yeeshee weli kooxda Alshabaab ay go’doomin ku hayaan degmooyinka, islamarkaasna kala xireen isu socodka gaadiidka.